LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Barashada aasaska dawooyinka (Pharmacology


Markaad tahay dhaqtar ,kalkaaliya (Nursing) ama aad doonayso inaad barato caafimaad (health) waxa aadan kamaarmin inaad barato dawooyinka (drugs):hadaba si aad wax badan uga ogaatid aqri qoraal cilmiyeedkaan hoos kuqoran soona booqo website blogger kaan.

Dawada marka labaranaayo waxaa laga bartaa :1 clinical use of drug  (waxa dawada loo isticmaalo) 2 side effect of drug  (dhibaatada ay leedahay dawada) 3 name of drug( magaca dawada) advantage of drug (faa iidada dawada ) waxaa la is barbardhigaa faa,iidada iyo faa,iido darada dawada kolkaas haddii faa,iidada ay badnaato waa laqaadanaa haddii kale waa la iska dhafaa.kolka labaranaayo dawada waxaa labartaa labo eray oo muhiima:


1 Pharmacology kinetics waxaa lagu qeexaa shaqada uu jirka kaqabto dawada (  what body does to a drug).

Absorption (nuugid) dawada ayaa waxaa laga soonuugayaa meesha laga qaatay kolkaas ayaa sitoosa (directly ) ama si dad and loogaynayaa dhiigga plasma-ha ah.

Distribution (baahin) dawadii ayaa laga qaadaa dhiiga markaas ayaa lagu baahaa interstitial and intracellular fluids  =waana dareere udhexeeya unug yada jirka .


Metabolism (bedelid ) dawadii aya si chemical ah loo bedelaa aya doo neecaamo (enzymes )lagu siiday haayo kolkaas ayaa laga dhigaa qaab ay jirka ula falgelikarto inta ugu badan waxa uu kadhacaa beerka (liver ).

Elimination ( qashin saar) dawada aan jirka wax tarka ulahayn ayaa laga qashinaa waxaana loosaraa kaadi ahaan (urine) ama saxara ahaan.

Sideebaa dawada looqaataa?
Siyaaba ugu caansan (common ) eedawad looqaato waxay kalayihiin:

1 During ahaan ( injection ) 2 hawo ahaan in looqaato sida ayadoo lagu buufaayo qofka (inhalation) 3 in afka laga qaato( peroral administration ) 4 in maqaarka laga qaato (Dermal administration) 5 in gadaal laga qaato sida dabada ( rectal administration ).

Mechanism of drug absorption;
Waxaa jira habab uu jirka dawada unuugo waxayna kala yihiin sidaan soosocota:

1 passive diffusion: dawadii ayaa laga soonuugaa  meel ay kubadan tahay waxaana lagayhaa meel ay kuyartahay ayadoon wax energy ah aan la istimaalayn.

2 facilitated diffusion :dawadii ayaa laga soonuugayaa meel ay kubadan tahay ayadoo la isticmaalaayo carrier proteins. 

3 Active transport : dawadii ayaa laga soonuugayaa meel ay kuyartahay waxaana lagayhaa meel ay kubadan tahay ayadoo la isticmaalaayo energy ( tamar).

4 Endocytosis and exocytosis :nuucaan waxaa loo isticmaalaa in lagu safriyo dawooyinka cabirkooda uu waawayn yahay.




















Post a Comment

0 Comments