LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxaa sababa xanuunka  waalida?


 Cudurkaan Waalida waa cudur dunidaan halakeeyay dad badana ay ladaaladhacayan si aad wax badan uga ogaato aqri qoraal cilmiyeedkaan hoos kuqoran.

1 waa maxay waali ? 

Xanuun kaan waalida waa Xanuun kudhaca xiska , maanka , dhimirka iyo maskaxda bani,aadam ka .
Xanuun kaan waxaa lagu yaqanaa calaamada farabadan garashadiisa oo lagu garanaayo qofku inuu qabo cudurkaan waalida xiliyada hore way adag tahay in lagagarto balse markii calaamadaha lagu ogaanayo ay dheeradaan waxaa fudu daanaysa inlagarto. 

2 yaw kudhacaa cudurka waalida?

Cudurkaan waalida waxa uu ku dhacaa inta badan rag iyo dumar intaba  waxa uuna bilawdaa xiliga dhalin yarada. Ragga waxuu ku bilawdaa  16 sano ilaa 30 sano halka uu dumar-ka  uu ku bilawdaa cimriga u dhexeeya 25 __35 sano jir.


Haddii uu qofku dhaafo
50 sano waa dhif iyo naadir  inuu kudhaco cudurkaan.



3 waa maxay calaamadaha lagu garto waalida?

Waxaa jira calaamado badan oo lagu garto cudurkaan waalida balse calaamada ugu horaysa ee lagu garto waa islahadal.

Waxaa inta badan qofka waalida qaba uu cod ka maqlayaa maskaxdiisa. Codkaas uu maqlayo waxa uu noqonayaa cod dad uu yaqaan ama dad uusan oqoon intaba wuu noqokaraa inta ugu badan.

 Codkaas qofku waxa uu siiyaa amar (command) waxaas la amrayo waxay noqokaraa wax dhibaata u keenayo ama dadka kale dhibaato ku ah  markaas waxa uu moodayaa run kolkaas ayuu samaynayaa amarkii lasiiyay.

 Xiliyada qaar waxaa dhicikara in codkii uusan amarsiin balse waxa uu maqlayaa dad faalo xun kabixinaaya oo caayaya wax kasheegaya markaas qofkii wuu dhibsanaa dadkaas wax kasheegaya waxaa la arkayaa qofkii oo gacmaha taagtagaya  ama difaac kujira.

Inta badan waxaa dhacda qofkii inuu iska socdo kolka uu soconayo waxa uu damac sanyahay inuu kabaxsado dad kaan caayaya oo wax kasheegaya.

 Codka uu qofka maqlayo xiliyada qaar waxaa uwehlisa inuu arkayo waxyaabo aysan dadka kale arkayn sida dad aan loojeedin ama bahalo. Xanuunkaan waxa uu saameeyaa maskaxda kadibna qofka waxuu ufekerayaa si aysan dadka kale u fekerayn  waxuuna dareemaa in ladaba socdoo oo lagu raad joogo. 

Labadii qofood uu arko waxuu umalaynayaa in asaga utashanayaan . Marar farabadan qofku waxa uu aaminaa in aalado lagu nagaysaayo oo lala daba socdo taasoo keenaysa in uu ka shakiyo television-nada  waxa uu moodayaa in dadka kadhex hadlaya  television ka in asaga ay lahad layaan.

 Xiliyada qaarna waxa uu aamiinaa inuu awood aan caadi ahayn leeyay sida inuu dunidaan Qatar kujirto asagana uu bad baadinaayo dhamaan fakirkaas qaldan waa calaamadaha lagu garanayo cudurka waalida.

 Xanuun kaan waalida qaabka maskax ahaan loogarto waa in xiskii iyo garashadii ayaa waxa ay kategayaan xaqiiqadii caadiga ahayd qofkii waxa uu noqonayaa maqane jooge.


4 Sidee loo daweeyaa waalida?

Waxaa jira dawooyin loo isticmaalo waalida .xasuusnaw xanuun kaan ma aha xanuun laga bogsado oo laga raysto lkn nasiib wanaag dawooyinka looqaato waalida qofka waxa ay kayareeyaan calaamadaha waalida waxa uuna noqonayaa qof ku soolaabanaya noloshiiii caadiga ahayd waana haddii  loo isticmaalo si joogtaa.


Dawooyinka looqaato xanuun kaan waa group dawooyina oo looyaqaan Anti siycotic medication kaniini ahaan iyo cirbada ahaan intaba waa looqaataa .Haddii uu qofku uu qaato qaabkii loogu talagalay xaladiisu caadi ayay kusoonoqee wax yaabihii uu sawiranaayay wuu ka caafimaadayaa .







Post a Comment

0 Comments