Intabadan waxaa lasheegaa in 90% ay dadka dunida kunool ayqabaan ama uu kudhacay cudurkaan taa oo kadhigaysa tiro aad ubadan inay tahay warbixin dhamaystiran oo kusaabsan cudurkaan ayaa uga bogadoontaa qoraal
cilmiyeedkaan hoos kuqoran 1 waa maxay Tiifow?
Waa cudur caana oo saameeya system-yada jirka waana cudur kamida cudurada looyaqaan comminacable desease ( cudurada faafa).
2 maxaa sababa cudurka Tiifowga? Waxaa inta badan sababa cudur side bacteria ah oo looyaqaan salmonelle Typhoid .
3 maxuu kufaafaa cudurka Tiifowga? Waxa uu intabadan kufaafaa biyaha iyo cuntada wasaqaysan sidookale waxuu kufaafikaraa haddii aad sitoosa utaabato qofka cudurkaan qaba . Mararka qaar xataa waxaa dhicikarta inuu qofka aad kaqaado asagoon wax calaamada kamuuqan. Dhankakale haddii aan ladawayn waxaa kadhala karta dhibaata badan waxa ugu badan ee kadhasha waxaa kamida inuu dhiigbaxa kuyimaadou xadida , lalabo iyo matag.Haddii aan ladawayn waxaa kadhala kara in bacteria-dii ay gudaha ugasho qulqulka dhiigga.
4 waa maxay calaamadaha lagu garto cudurka Tiifowga?
Cudur-kaan intabadan calaamadahiisa waxay soomuuqdaan 1 isbuuc ilaa 3 isbuuc(weeks) kadib markii ay bacteria dii ay gasho jirka.
Calaamadaha ugu horeeya ee qofka qaba cudurkaan lagu arko waxaa kamida 1 qandho heerkeda uu hooseyo kadin maalinba maalinta kadan baysa siibadata oo waxay noqotaa mid grade keeda eed usareeyo.
Sidookale calaamadaha waxaa kamida 2 mada xanuun 3 murqo xanuun 4 dhidid iyo qufac qalalan 5 shuban ama calool fadhi.
Calaamadaha marka danbe ee lagu arko bukaan ka qaba waxaa kamida: 1 miisaank qofka oo hoos udhaca 2 waxaa yarada cunta qaadashada 3 mararka qaar-na miir beel ayaa lagu arkaa qofka qaba cudurkaan.
5 sidee looga hortagaa cudurka Tiifowga?
Waxaa wanagsan in lagu dadaalo nadaafada cunada lacunaayo , in qudrada sifiican la iskagadhaqo , inay dadka ay cabaan biyo nadiifa iskana karkariya biyaha wasaqdaa , in la ilaaliyo nadaafada cunada iyo tan deegaanka(environment).
Hadii aa tahay qof usafraaya meelaha uu cudurkaan kajiro waxaa larabaa inaad qaadatid talaalka (vaccination). cudurkaan waana mid active ah waxuuna ubahanahay dib ucusboonayn ( reapdating.
0 Comments