Taabuuga waa nuuc kamida tuubakada aan qiicin ee loo yaqaan somokeless tubacco waana mid aan halisteeda la dhayal sakarin sakarin , aya doo waayadaan danbe ay soo badanaayeen dhalinyarada isticmaalaysa waliba aya goo aa minsan in aysan wax halisa ku keenayn .Dunida Tubaakadaan waxaa laga qoray maqaalo farabadan taas oo looga hadlaayo halista iyo qataraha ay keeni karto Tubaakadan Taabuuga. Wadanka ugu badan ee laga isticmaalo ayaa ah wadanka Hindiya(India) ahna wadanka soosaara Tubaakadan waxaana cilmi baaris laga sameeyay wadankaas lagu ogaaday in 40 ilbiriqsi (seconds) kasta eesoomarta wadankaas ay dad u dhintaan tuubaakada nuuceeda taabuuga.Dhamaan tubaakooyinka afka lageliyo waxay ka kooban yihiin inka badan 28 oo kiimikaa oo sababa kancarada nuucyadooda kala duwan sidaas darteed bahda caafimaad ka (medical department) waxay ku magacaabeen kansar sababayaal.
Kiimikooyinka laga helo taabuuga
kuwooda ugu caansan waxaa kamida:
1 Tobacco -specific nitrosamines
2 Formal dehyde
3 Acetal dehyde
4 Arsenic
5 Benzopyrene
6 Nickel
7 Cadmium.
Kiimikooyinkaan aan soo sheegnay waa kiimikooyinka ugu badan ee kujira tubaakada kuwaa soo sababa kansarada nuucyadooda kala duwan.Sidookale waxaa kujira necotine qofka leh balwada necotine maka maarmi karo saacada wax kabadan, taasina waxaa usababa sunta ku jirta necotine-ka waana maado qabitankeeda uu badan yahay. Isticmaalka la isticmaalaayo tubaakada waxay leedahay dhibaatooyin caafimaad oo degedega oo oo dhow iyo kuwa fog oo markii sanado badan isticmaasho ku saamaynaaya ama aad arkaysid.
Haddi aan sooqadano kuwa dhow;
1 Waxa ugu horeeya uu qofku isku arkaayo waa qabitan oo qabitamaayo tubaakadii maskaxdiisa iyo maankiisa ayaa laqab sanaaya qofkiina waxuu noqonaa qof aan kamaarmin tubaakada sinaba.
2 waxaa cirka isku shareeraaya garaaca wadnaha (heart rate) haddii garaaca wadnaha uu bato waxaa halis ugu jirtaa in uu maskaxdaada uu dhiig ku furmo ama stroke uu kugu dhaco.
3 waxaad qatar ugu jirtaa wadna istaag(heart attack) tasoo keenaysa dhimasho degdega. wadnaha ayaa shaqadiisa gebaaya haddii wadnaha shaqadiisa gebana qofku sidegdega ayuu ku geeriyoonaa.
4 waxaa qofka balwadaan isticmaala lagu arkaa hurdo la,aan, caajis qofka oo awoodiisa daciifto ama waxba qaba kariwaaya, madaxanuun iyo welwel.
Intaas ka dib haddaan ugu dubno dhibaatooyinka fog ay leedahay taabuuga;
Haddi aad siiwado isticmaalka balwadaas waxaad halis ugu jirtaa cudurada soosocda:
Sida kansarada nuucyadooda kala duwan waxaana kamida:
Sidookale waxaad qatar ugu jirtaa cudurada ku dhaca ciridka gum desease. Inay ilkihii iyo ciridkii burburaan waxaa u sababa sunta ku jirta necotine-ka ayaa waxay saamaysaa(effect) ciridka waxayna ku sababtaa caabuq(infunction) halka ilkaha midabkoodii uu bedel maaayo kadib-na ay soodanaayaan.Sidookale waxaa halis ugu jirtaa cudurada ku dhaca wadnaha.Ragga balwadaas leh waxaa soo wajahda infertility (ma dhalisnimo) ama dhibaato xagga tarankaa inta badana masoosaaraan sperm(shahwo) caafimaad qabta taasina waxaa ka dhalanaysa inay awlaad dhali waayaan.waxaa kaloo tuubaakadan taabuuga dumarka isticmaala waxay qatar ugu jiraan inay noqdaan kuwaan wax dhalayn waliba haddii ay isticmaalaan xiliga uurka waxayna dhalaayaan caruur aan bila dhamaysan kuwaasoo miisaankooda awsan dhamaystirnayn.
0 Comments