Waxaa noo socda cashirtii taxanaha ahayd ee aan ugu hadlaynay maandooriyaasha.
Maanta waxaa miiska noosaran maandooriye-ha halista badan ee Sigaarka.1 waa maxay dhibaatada sigaarka?
Curiyaha Necotine ku waa maandooriye la qabitimo oo waxyeeladiisu deg-deg tahay. Maandooriyaasi waxuu maskaxda ku gaaraa ilbiriqsi kolka la nuugo ka dib.Aqoonyanada Sayniska waxa ay iftiimiyeen dhibaatada uu leeyahay maandooriyaasha ku jira sigaarka sida:
Sigaarka iyo qaadka waa labo walaalo ah ee isku xiran.sigaarku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha dadka qaarkii isticmaalaan iyagoo ka warqaba dhibaatada uu kukeeno jirkooda, naftooda, maankooda, maskaxdooda iyo caafimaadkooda.maraka qaarkood baakada sigaarka waxaa kuqoran halista uu leeyahay sida kansarka ku dhaca beerka, sambabada, afka, kelyaha,dhuunta iyo kaadi haysta.Cudurka ugu badan ee sigaarku uu sababo waa xanuunka ku dhaca sambabada.Sigaarku waxa uu ka kooban yahay maadooyin badan oo ay ka mid yihiin Niikootiinkac( necotine) , qiiq madow (black smoke) uu qofku nuugaayo, carbon monoxide , Nitrogen , Oxygen iwm.
Curiyaha Necotine ku waa maandooriye la qabitimo oo waxyeeladiisu deg-deg tahay. Maandooriyaasi waxuu maskaxda ku gaaraa ilbiriqsi kolka la nuugo ka dib.Aqoonyanada Sayniska waxa ay iftiimiyeen dhibaatada uu leeyahay maandooriyaasha ku jira sigaarka sida:
1 Carbon monoxide :Carbon monoxide waa hawo sun ah oo unugyada dhiiga cas cas ee oxygen-ta u qaybiyaha xubnaha jirka ayaa waxa uu jirka u diidaa in ay hawada qaadaan oo eey geeyaan meeshii loogu talagalay.
2 Necotine :Necotine waa maaddo maandooriye ah oo la qabitamo , isla kolkaana ay adag tahay inaad sigaarka cabidiisa joojisid.Maadadaasi waxay kordhisaa garaaca wadnaha , isla kolkaana waxa ay dhuumaha dhiiggu maro ee halbowlayaasha dhiigga ka dhigtaa ciriiri aan dhiigu kosoco karin xawaarihii loogu talagalay. Ciriiriga halbowlayaashuna waxa uu sababaa in cadaadiska dhiigu kordho taas oo sababi karta xanuunka halistaa ee wadna istaaga iyo dhiig maskaxda ku furma.
3 Qiiq Madow :qiiqa madow waa maado ama walax qiiq madow ah oo qabsata dusha sare ee alafyuulada taasoo xanibta is socodka hawada jirka gelaysa iyo hawada gubatey ee kasoo bexaysa jirka. Qiiqa madow waxaa kaloo ku dhex jirta walax kaloo halisa oo la yiraahdo carcinogen taasoo sababta ama keenta xanuunka loo yaqaan kansarka (cancer).sigaarku waxuu qayb ballaaran ka yahay dhibaatooyinka caafimaad ee xanuunka ah ee xiligaanka dunida ku habsaday am ay la daaladhacayso.Sigaarka marka loo fiirsho diinta Islaamka quburada Islaamka marka ay u sooshaac baxday dhibaatooyinkiisa caafimaad, dhaqaale iyo mida bulshada wax ayna hoosta ka xariiqeen inuu sigaarku yahay xaraam. Guud ahaan xanuunada uu sigaarku sababo waxaa lagu soo koobi karaa:
1 xiiq oo sababta in dhamaan dhuumaha hawada iyo xididdada oo xirma.
2 Dhiig-xinjirow oo sababa in dhiigaagu xinjir kuusan noqdo.
3 Kala-xiran oo sababa inay xirmaan halbowlayaasha dhiigga qaada iyo kuwa soocelsha.
4 Qalal oo sababa in dhiig uu maskaxda ku furmo;arintaas oo sababta in maskaxda shaqay wayso.
5 Ilkaha , jirka iyo faraha oo isbedela. Qofka oo maqaarkiisa uu noqdo miin sidii qof duqoobay ah.
6 Dadka sigaarka dhuuqin laakiin markasta jooga meesha lagu cabaayo sigaarka, waxaa ku dhaca xanuuno badan oo halisa oo ay kamid yihiin:madax xanuun ,qufac badan, dhuun xanuun, neef qaadashada oo ku ad kaata iyo juucjuuc joogtaa.

0 Comments