Maandooriye waxaa waxaa la dhahaa wax kasta oo bedela maanka, caqliga, dhimirka iyo maskaxda. Kolka qofku go,aan ku gaaro inuu maandooriye isticmaalo waxa uu kudhaqaaqay fal masuuliyad daraa oo naftiisa halis ku ah.Dhibaatada maandooriyaashu kuma eka qofka isticmaalay oo kaliya , laakiin waxa ay dhibaato kutahay nolosha qoyska iyo jiritaanka bulshada. hadaba kafaa,iidayso qoraal cilmiyeedkaan:
Waa maxay Qaadku ?
Qaadku waa geed maandooriyaa oo caleemihiisa laruugo oo aan miro iyo ubax toona lahayn. Qaadku waa maandooriye sun ah oo ay kujirto maadada khatartaa ah ee kaasinoon (Cathinone) iyo mid kale oo ka khatar yar marka loo fiirsho Cathinone- ta
Oo ladhaho kaasiin (cathine).Maadadaas oo laga helo xashiishada magaceeda ladhaho oobiyaam (opium) oo ah nuuca 2 aad ee daroogada. Dhanka waxyeelada caqliga waxa uu u dhexeeyaa Kookeynta iyo Afyuunka .Dalka Ingiriiska waxa uu baaray qaadka iyo waxyeeladiisa 1932dii, isla kolkaana waxaa ay ogaadeen in ay aad usarayso.Sidoo kale waxaa qaadka aqoon baaris ku sameeyay Jaamacado badan oo dunida laga leeyahay, sida Maraykanka ,Sucuudiga, Jarmalka iyo Soomaliya ,isla kolkaasna waxa ay dhamaantood sheegayn warar ku argagaxgelinaaya. Qaramada midoobay ayaa baaritaan ay samaysay 1973 waxa ay shaaca ka qaaday in qaadka laga helo in kabadan 40 maado oo halisa inkastoo aysan ogaan maadada ugu halista badan ee lagahelo qaadka ee ladhaho Kaasinoon(cathinone).
Lama haayo cilmibaaris ku Sheegtay wax wanaaga iyo wax daa,iidaa.Qaadku waxa uu keenaa hurdo la,aan , dhabar xanuun iyo waali , isla kolkaana waxaa kujirta maado dhibaato ugaysata dheefshiidka iyo ilkaha oo la yiraahdo Taanin(tannic acid).
Maadadaas waxay qofka kaxirtaa dheefshiidka oo cuntada maqaadan karo qofkii, iska kolkaasna acid-du waxay burburisaa ilkaha . Taasina waa sababta dadka qaadka joogteeya ilkaha uga dhacaan durbadiiba. Ugu danbayn waxay maadadu tannic acid sababtaa in qofka qaadka cuna uu ku dhaco cudurka loo yaqaan Boogcalooleed(Ulcer). Kolkii hore waxay aqoonyahannada caalamka isla meeldhigeen in qaadka ay ku badan tahay maadada Cathine-ta. Cathine-tu waxay ku badan tahay caleemaha waaweyn iyo laamaha iska gooyo marka qaadka la ruugaayo, sidaas agreed waxaa la is weydiiyay haddii sababta qaadka loocunaayo ay tahay maadada Cathine-ta maxaa loo jaraa qeybta ay kubadneed? marka arintaas ayaa shaki wayn dhalisay sifiicana waa loo garawaayay. Kadib waxaa hoosta laga xariiqay in baaritaan dib loogu sameeyo. Kolkay ahayd 1975 waxaa soo if baxday in qaadka rucubtiisa hore ama qaybta jilacsan ay ku jirto maado halisa oo la dhaho Kaasinoon (cathinone) .Arrinta keentay in maadadan heli taankeedu adkaado waxay ahayd ayada oo joogi taankeedu oo yaryahay .Cathinone-ta waxay jirka ku jirtaa in kayar 48 saacadood, mudadaas kadib waxay isku bedeshaa 2 maado ee kala ah Kaasiin iyo Nuurafaradiin . Taasi waa sababta wax kasta oo qaadka la saaro loo ordisiinaayo si loola gaarsiiyo dadkii cunaayay inta aysan is bedelin cathinone-ta .Bal u fiirso wax kasta oo qaadka lagu qaadaayo waa lacayriyaa si aan caadi ahayn.
Saamayn nuucaaya ayay leedahay cathinone-ta?
Saamaynta cathinone-ta waa labo nuuc oo kala ah mid dhow iyo mid fog.Haddii aan sooqadano Saamaynta dhow ee maadada cathinone-ta waxay keentaa:
1 waaxda maamulka maskaxda oo isbedesha taasoo dhalinaysa in ay been sheegto.
2 wadna garaaca qofka oo cirka isku shareera.
3 qofka oo lagu arko neeftuur farabadan.
4 Heerkulka (temperature) oo kordha.
5 qofka 30 daqiiqo kabacdi gala xaalad marqaanna ,waana waxa uugu muhiimsan ee qaadka loocuno.Guud ahaan kolka qofku qaadka daliiqo waxuu maraa saddex xaaladood oo kala ah:inuu 30 daqiiqo oo kujiro faraxsanaan iyo raynrayn, 90 ka daqiiqo ee kuxiga waxuu ku jiraa xilli hadal iyo sheeko badan laakiin uu san faraxsanayn wuuna marqaansan yahay, intaas kadib waxuu galaa xaalad caajis iyo wehsi. Dhanka maandooriyaasha kala qaadka waxuu kujiraa kiciyaasha jirka iyo maskaxda. Dadka qaadka cuna waxay sheegaan in ay had iyo jeer raadiyaan waxay ku jebiyaan.Sidaas awgeed waxay cabaan Khamri waayoo khamrigu waxuu hoos udhigaa kicinta qaadka.Si qofku u hello marqaan fiican waxuu u baahan yahay in kiilo kasta oo jirkiisa ka mida ay hesho 0.8 mg oo cathinone ah.Qaadku waxuu xanbaaraa cudurada halistaa sida AIDSka(Aanfada dadka sinaysta) ama dadka sameeya galmo maxaa kaagalay ah , gogol dhaafka iyo sinada, sidoo kala waxuu keenaa corono Farayska.Qaadku waxuu meesha kasaaraa raganimada, damiirka. caafimaadka iyo waqtiga.
0 Comments