LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxay qabataa dawada loo yaqaan Insulin?

 


Dawada Insulin waxay ka mid tahay dawooyinka lagu daweeyo macaanka (diabetes ) gaar haan nuuca 1 aad ee macaanka ee loo yaqaan Type one Diabetes mellitus , aqri qoraal cilmiyeedkaan hoose si aad oqoon durug san uga qaadato dawada Insulin-ta.


1 Maxaa loo yaqaan Insulin?


Marka la qeexaayo Insulin waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay dheecaan ama hormoon lagu sameeyo lagana soo daayo ganaca ama waxa loo yaqaan pancreas-ka gaar ahaan unug yada ganaca ee Beta cells ka.

 Insulin tii uu ganaca uu soosaarayay ayuu joojinayaa inuu soosaaro qofku markuu qabo nuuca 1 aad ee macaanka kolkaas waxaa loo baahaa Insulin in lagu duro taa oo u qabanaysa waxay uqaba jirtay Insulin-ta ganaciisu uusoo saarayay.

marka Insulin-taan dawadaa waxaa laga diyaariyay hida sidihii Insulin ta soo saarayay ee ku jiray unug yada Bete cells-ka ayaa bacteria la dhexgeliyay kolkaas bacteria -dii ayaa tarmaysa Insulin farabadan ayayna soo saraysaa markaas ayaa dawo ahaan loo isticmaalayaa .

Insulin waa dawo loo isticmaalo nuuca 1 aad ee macaanka sidoo kala waxaa lagu daway karaa nuuca 2 aad ee macanka kolka qofka sokortiisa ay soodegi wayso ama waxa loo yaqaan persistent hyperglycemia oo ah xiliga ay  sokorta si eeda u kac santahay ama xad dhaafa.

2 sidee ayay Insulin u shaqaysaa ?

Insulin ta shaqooyin farabadan ayay jirka kaqabataa marka qofka lagu dawaynayo ama qofku uu qaato waxaana kamida  shaqadeda:

1  waxay joojisaa in la burburiyo glycogenolysis, sokorta caadi ahaan markuu jirku kayd sanaayo waxuu u kayd sadaa hab loo yaqaan glycogenolysis marka habkaas ayay diidaa in dib loosoo burburiyo maxaa yeelay waxaa cirka isku shareeraya sokortii.

waxay kordhisaa in sokortii kac sanayd ee dhiigga kujirtay in  laxareeyo laguna xareeyo murqaha iyo fat cells ka si daas awgeed sokortii hoos ayay usoo dhecaysaa.

3 Meeqo ayaa loo qaybiyaa Insulin?

Insulin waxaa loo qaybiyaa ilaa afar nuuc:
1 Rabid acting insulin:waa insulin shaqadeeda si dhaqsaa u bilaa banaysa waxaana kamida insulin aspart , insulin lispro iyo insulin glulisin .Shaqadooda waxay bilaabaan 5 --15 daqiiqo gudahood, dawadaan qofku waxuu qaadanayaa  markuu cuntada soodiyaarsado ee uu bilaabo sidookale mudada ay jirka ku jirayso waa 3 --5 saacadood.


2 short acting insulin: nuucaan insulin ta ah waxaa larabaa inuu qofku siiqaato 30 daqiiqo kahor inta uusan cuntada cunin halka mudada ay jirka ku jirayso ay tahay 8--10 saacadood.


3 Intermediate acting insulin: dawooyinka intermediate ka ah waxaa kamida MPH taas oo shaqadeeda ku bilaabaysa 2--4 saacadood kudahood halka ay jirka ku jirayso mudo gaaraysa 12--18 saacadood.

4  long acting insulin: nuucaan ugu danbeeya qaybihii insulin ta ama nuucyadoodii waxay shaqadeeda bilaa bataa 3---4 saacadood gudahood kolkii qofku uu isku muday sedex saacadood kadib ayay shaqadeeda bilaabanaysaa waxayna jirka ku jiri kartaa ilaa 24 saacadood oo laga bilaabayo qaadashadii ama qofka xiligii la siiyay.















Post a Comment

0 Comments