Sida caadigaa dhamaanteen waxaan cunaa cuntooyin kala duwan haday ahaalahayd baasto,bariis, bur, ganleey, qamadi, digir, canbuulo, canjeelo iyo cuntooyin kale.cuntooyinkaas aan cunno markay dheef shiidka tagaan waa laburburiyaa ugu danbayna waxaa laga dhigaa ama loo bedelaa sokor , dhiigga ayaa lagu daraa oo laraacshaa kadibna xubnaha shaqooyinka muhiimkaa haaya ayaa lageeyaa sida maskaxda, wadanaha,murqaha, beerka iyo kilyaha.Maskaxda waxay ugu faa,iidaysataa si, ay ufekerto , wax ubarato iyo fariimaha kala duwan uga jawaabto , wadanuhu waxuu uga faa,iidaystaa si uu garaac usameeyo, murqaha waxay uga faa,iidaystaan si ay dhaqdhaqaaq usameeyaan ama iskugu soo arooraan, halka kilyuhu uga faa,iidaystaan si ay qashin saar usameeyaan(excretion), dhamaan xubnaha kala duwan si daas ayaa cuntada nafaqada leh ee aan cuno loo gaarsiiyaa ayadoo loo marinaayo dhiigga, si arintaasi u dhacdo oo xubnaha u helaan sokor kufilan waxaa suurta geliya ama ka qayb qaata dheecaan(enzyme) layiraahdo Insulin oo laga soodaayo qanjir kuyaala ganaca ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo pancreas-ka , insulin taas ayaa waxay kacaawisaa ina sokor -tii kujirtay dhiigga inay ugudbiso xubnaha kala duwan si ay ugu faa,iidaysataan.
Sokorta ama macaanka waa marka ay sokorta dhiigga ku badato ay suurta gal noqowayso in xubnaha lakala gaarsiiyo sokor-tii.Sokorta markay dhiigga ku badato waxaa loo yaqaan hyperic recemia xaladaasna waxaa la yiraahdaa sonkor ama qofku sonkor ayuu qabaa.
2 Meeqo nuuc ayaa looqaybiyaa cudurka sokorta?
Cudurka sokorta marka la qaybinaayo waxaa loo qaybiyaa lobo qaybood(two portion) labadaas qaybood oo kala ah :
1 Type 1 nuuca 1aad ee sonkorta waxuu ku badan yahay ama kudhacaa caruurta (children) sida badana waxaa lagu arkaa caruurta da,dooda u dhexeyso 10 sano ilaa iyo 16 sano.
2 Type two nuuca 2 aad ee sonkorta waxuu ku badan yahay dadka da,dooda ay ka badato 40 sano .Sonkorta nuucaasa waxaa jira dad u nugul ama risk factor group.
3 Maxaa keena ama sababa sonkorta?
Ilaa iyo hadda lama oga waxa sida rasmigaa u keena balse waxaa jira wax la yiraahdo unug laansho ama dad u nugul sonkorta, dadkaas unugul cudurka sonkorta waxay iskugu jiraan :1 dadka da,dooda ay kabadan tahay 45 sano .2 dadka aadka u buuran ama u cayilan. 3 dadka fadhiga badan ee aan jimicsiga samayn ama shaqadooda tahay fadhiga. 4 Hooyada uurka leh. 5 dadka qaba xanuunada sida dhiig karka(hypertension) ama cholesterol ka 6 dadka qoys ahaan qabay macaanka ama sonkorta oo walidkooda aw qabijiray.Dhamaan dadkaas aan soodheegnay waxay unugul yihiin cudurka sonkorta, dhanka kale waxaa jira oo kamida dadka unugul sonkorta dadka sida joogtadaa u isticmaala wax yaabaha macmacaankaa ama cuntooyin ka macankaa.
Marka laga hadlaayo cudurka sonkorta calaamadahiisa waxaa ugu caansan sedex (3) calaamo kuwaas oo kala ah:
kaadi badan (polyuria), oon badan (polydepsia) iyo baahi badan polyphagia.
Sidookale waxaa xusid mudan in calaamaadka sonkorta ay kamid yihiin miisaanka qofka oo hoos udhaca .
5 maxaa dhibaataa oo ay keeni kartaa sokorta?
Sokonta waxay keentaa ama sababtaa dhibaatooyin farabadan waxaan ugu caansan sedex 1 waxay dhibaato ku keentaa neerfaha waxaana looyaqaan Neuropathy.
2 waxay dhibaato ugaysataa kilyaha oo ay fadhiisisaa waxaana loo yaqaan Nephropathy.
3 waxaa kaloo dhibaato xun ugaysataa indhaha oo loo yaqaan Retinopathy .
Hooyada uurka leh siqaasa ayay dhibaato ugu keentaa, hooyada inta ay uurka leedahay haddii ay sokorto ku dhacdo waxay halis ugu jirtaa cuniga caloosheeda ku jira inuu ku waynaado islamarkaasna ay hooyadii dhalmadii ku dhibaatooto sidookale hooyada waxay ku keeni kartaa inuu markii uu cuniga dhashto uu hora ka dhinto maxaa yelay hooyada jirkeeda waxaa ku badan sokor cunigiina sokor ku filan mahelaayo.
6 Maxaa laga rabaa qofka sokorta qaba?
Waxaa jira qodobo laga rabo qofka sokorta qaba in uu isticmaalo ama uu ku dhaqmo kuwaas oo kala ah sidaan hoos ku qoran:
1 Inuu cuno cunto dheelitiran waana cuntada lagarabo qofka qaba sokorta ama macaanka.
2 waa inuu sameeyaa jimicsi joogta ah.
3 inuu miisaan dhimis isku sameeyaa haddii uu cayilanyahay ama uu buuran yahay.
7 sidee loo daweeyaa sokorta ama macanka?
Qofka sokorta qaba dawadiisa waxay ku xirantahay haddba nuuca ay tahay sokorta.
Haddii ay tahay nuuca 1 aad sokorta ee looyaqaan Type one Diabetes mellitus qofka waxaa lagu dawayhaa Insulin.Sida aan sheegnay nuuca 1 aad ee sokorta waxay ku dhacdaa caruurta waxaana loo yaqaan Insulin dependent type one Diabetes mellitus saas daraadeed mar haddii caruurka yarkaa ku dhacdo dawadiisa waxay noqonaysaa inlagu duro cirbada Insulin ta waxaana laga siihaa maqaarka hoostiisa ahna caloosha.
Marka loo imaado nuuca 2 aad ee sokorta ee loo yaqaan type two diabetes mellitus waxaa lagu daweeyaa kaniiniyaal nuuca dawada lasiihaayo waxay ku xirantahay haddba inta cabirka sokortiisa ayla egtahay.
0 Comments