Cudurka dhiig-karka (Hypertension) waa xaalad caafimaad oo dhiigga ku cadaadisa halbowlayaasha inuu ka sarreeyo heerkii caadiga ahaa. Waa cudur aan inta badan lahayn calaamado muuqda oo si tartiib ah u soo baxa, laakiin haddii aan la daweynin wuxuu sababi karaa dhibaatooyin halis ah sida wadne xanuun, istaroog, iyo kilyaha oo dhibaato soo gaarto.
Sababaha keena dhiig-karka:
1. Dhiig-karka hiddo-raaca: Waxa keeni kara hiddaha qoyska haddii waalid ama ehel qaraabo ah ay qabeen cudurkaan halistaa.
.
2. Hab nololeedka: Cunnooyinka cusbada iyo dufanka badan leh, jimicsi la’aanta, culeyska badan, iyo cabidda sigaarka ama khamriga intaas oo dhan waxay keeni karaan dhiig kar.
3. Da’da: Da’du markay sii weynaato, halista dhiig-karku way kordhaysaa.
4. Cudurrada kale: Sida sonkorowga, kilyaha oo dhibaato ku jirto, iyo qaar ka mid ah daawooyinka.
Calaamadaha laga dareemi karo qofka qaba:
Madax xanuun joogto ah.
Neefsashada oo adkaata.
Indhaha oo isku dhaca (xanuun ama iftiinka oo dhib ah).
Wadnaha oo si xawli ah u garaaca.
Daalku inuu joogto noqdo.
Sida loo la tacaalaa dhiig-karka:
1. Cunno caafimaad leh: Cun cuntooyinka dabiiciga ah sida khudaarta, miraha, iyo cuntada cusbada iyo dufanka yar leh.
2. Jimicsi joogto ah: Samee jimicsi fudud sida socodka ama orodka ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii.
3. Miisaan dhimista: Haddii aad cayilan tahay, dadaal ku bixinta miisaanka oo yaraada waxay yareyn kartaa cadaadiska dhiigga.
4. Ka fogow sigaarka iyo khamriga: Labadan waxay ka mid yihiin waxyaabaha dhiig-karka sii xumeeya.
5. Daaweynta: La tasho dhakhtar si aad u hesho daawooyin dhiig-karka u gaarka .
Isticmaalka Daawooyinka dhiig-karka :
Haddii dhiig-karkaagu aad u sarreeyo ama uusan isbeddelka hab-nololeedku kaliya ku filnayn, dhakhtarku wuxuu kuu qori doonaa daawooyin, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Daawooyinka Diuretic (kaadi-saar):
Waxay yareeyaan biyaha iyo cusbada jirka si ay u hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga.
Tusaale: Hydrochlorothiazide, Furosemide.
2. Beta-blockers:
Waxay hoos u dhigaan garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.
Tusaale: Atenolol, Metoprolol.
3. ACE Inhibitors:
Waxay yareeyaan unugyada keena in halbowlayaasha isku uruuraan.
Tusaale: Enalapril, Lisinopril.
4. Calcium Channel Blockers:
Waxay fidiyaan halbowlayaasha, taasoo dhiigga sahasha.
Tusaale: Amlodipine, Diltiazem.
5. ARBs (Angiotensin II Receptor Blockers):
Waxay ka hortagaan saamaynta Angiotensin II ee dhiigga kor u qaadda.
Tusaale: Losartan, Valsartan.
Caadi ahaan, dhiigga waxa loo tixgaliyaa inuu yahay heer caadi ah haddii cabbirka dhiigga uu yahay 120/80 mmHg ama ka hooseeya.
Qaybaha Dhiig-karka
1. Dhiig-karka hooseeya (Elevated): 120-129/80 mmHg.
2. Dhiig-karka heerka 1 (Stage 1): 130-139/80-89 mmHg.
3. Dhiig-karka heerka 2 (Stage 2): 140/90 mmHg ama ka sarreeya.
4. Dhiig-karka halista ah (Hypertensive crisis): 180/120 mmHg ama ka badan (waxay u baahan tahay daryeel degdeg ).
Dhiig-karka waxaa lagu daweeyaa iyadoo la isku daraayo isbeddelka hab-nololeedka iyo daawooyinka. Si aad wax badan uga sii ogaatid linkigaan hoose kudhufo👇
https://youtu.be/BCi-qXSC2JM?si=_-0NbmxbFLSuhCYW
0 Comments